Halyey kooxda Liverpool ah oo ku baaqay in Paul Pogba uu ka tago Manchester United

(England) 20 Mar 2020. Halyey kooxda kubadda cagta Liverpool ah ayaa codsaday in xiddiga reer France ee Paul Pogba uu ka tago safka Manchester United suuqa xagaaga ee soo socda.

Paul Pogba ayey wararku sheegayaan inuusan xilligan dooneynin inuu ka tago kooxda Manchester United, isla markaana uu doonayo inuu ka garab ciyaaro xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes.

Haddaba halyeeyga kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mirror” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

Image result for Pogba and John Barnes

“Haddii aan si fudud u sheego ma haboona inaad heysato xiddig aan kooxda ku faraxsaneyn, mana ka dhigi kartid inuu dareemo inuu si weyn muhiim ugu yahay kooxda iyo taageerayaasha”.

“Inaad ka dhigto ciyaartoyda kuwo faraxsan waa fikrad qosol leh, sababtoo ah waa inay ku farxaan tababaraha iyo taageerayaasha”.

“Haddii uu Pogba sidaas sameyn Karin waa inuu baxaa”.

“Wuxuu u muuqdaa inuu awood badan ku leeyahay kooxda, taasoo qof walba ka dhigeysa inuu isaga ka hadlo, xaaladdu aad ayey halis ugu tahay halkaas, waa inuu baxo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close