Fernando Torres oo doortay shaxdii ugu fiicneyd xiddigihii uu ka gabar ciyaaray xirfadiisa kubadda cagta

(Liverpool) 20 Mar 2020. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka bisha March xiddiga reer Spain ee Fernando Torres oo horey ugu soo ciyaaray kooxaha Atletico Madrid, Liverpool, Chelsea ayaa u dabaal degay dhalashadiisa 36aad.

Fernando Torres oo u soo ciyaaray in ka badan hal koox sida Liverpool, Chelsea iyo Atletico Madrid ayaa kula soo guuleystay tartamo isugu jira kuwo maxali iyo kuwo yurub ah.

Intaas waxaa u sii dheer Fernando Torres ayaa kula guuleystay xulkiisa qaranka Spain koobka Euro 2008 iyo 2012, sidoo kale Koobkii Adduunka 2010.

Haddaba Fernando Torres ayaa wuxuu maanta marti ku ahaa Channel-ka kooxda Liverpool ayaa wuxuu xiddiga reer Spain ku doortay shaxdii ugu fiicneyd ee xiddigihii uu la soo ciyaaray xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta kahor inta uusan ka fariisanin dhawaantan.

Kooxda uu doortay Fernando Torres waxaa ku soo baxay xiddigo badan oo ay saaxiibo ku noqdeen xiddiga reer Spain garoonka dhexdiisa sida Steven Gerrard, Andrés Iniesta, Xavi, Xabi Alonso, David Villa iyo kuwa kale.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo shaxda kooxdii uu doortay xiddiga reer Spain ee Fernando Torres kuwaasoo uu ka soo garab ciyaaray:

Goolhaaye: Jan Oblak.

Daafacyada: John Terry, Diego Godín iyo Carles Puyol.

Khadka dhexe: Mascherano, Steven Gerrard, Xabi Alonso, Xavi Hernández iyo Andrés Iniesta.

Weerarka: Fernando Torres iyo David Villa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close