Safkii ugu qaalisanaa sanadkii 2004 oo la shaaciyey… (Ronaldinho oo hoggaaminaya, halka Arsenal & Real Madrid ay tiro ciyaartoy ah ku leeyihiin)

(Yurub) 19 Mar 2020. Majaladda Transfermarket ayaa soo daabacday qiimeyn kale oo dhanka ciyaartoyda ah, waxaana markaan ay qiimeyn ku sameysay safkii ugu qaalisanaa sanadkii 2004.

Ronaldinho oo 50 milyan oo euro lagu qiimeeyay ayaa safkan ugu qaalisan, waxaana uu shaxdan la wadaagaa xiddiggii ay Brazil ka wada tirsanaayeen ee Ronaldo Nazario, taasoo la micno ah in 3-dii ‘R’ labo ka mid ah ay safkaan ku jiraan, kaliyana uu ka maqan yahay Rivaldo.

Henry, Vieira iyo Reyes ayaa ka socda kooxdii Arsenal ee guuldarro la’aanta ku qaadday horyaalka Premier League-ga, nasiib darrose Reyes ayaa shil baabuur ku geeriyooday isagoo jira da’da 35-sano.

Kaddib Ronaldo Nazario, waxaa sidoo kale safkan Real Madrid ay ku leedahay saddex xiddig oo dheeraad ah, kuwaasoo kala ah David Beckham, Roberto Carlos iyo Iker Casillas.

SHaxda oo dhammeystiran:-

Halkaan hoose ka eeg sida xiddigaha looga soo qaatay Koox ahaan, lacagtuna waa Euro:-

Real Madrid

Ronaldo Nazario – €45m

David Beckham – €40m

Roberto Carlos – €30m

Iker Casillas – €16m

Arsenal

Thierry Henry – €45m

Antonio Reyes – €35m

Patrick Vieira – €35m

Barcelona

Ronaldinho – €50m

Manchester United

Ruud van Nistelrooy – €40m

AC Milan

Alessandro Nesta – €33m

Porto

Ricardo Carvalho – €30m

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close