Halyey kooxda Chelsea ah oo ka digay heshiiska Philippe Coutinho

(London) 19 Mar 2020. Halyeey kooxda kubadda cagta Chelsea ah ayaa ka digay heshiiska xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho oo haatan qaab amaah ah ku joogo naadiga Bayern Munich.

Frank Leboeuf ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “ESPN” ayaa wuxuu ku jawaabay haddii uu Coutinho ku guuleysan karo Chelsea wuxuuna ku jawaabay:

“Uma maleynayo inay taasi dhici doonto, wuxuu ku fiicnaa Liverpool, laakiin wuxuu ku xumaa Barcelona iyo hadda oo ah Bayern Munich”.

Image result for philippe coutinho and Frank Leboeuf

“Waxaan heysanaa ciyaartooy da’ayar ah oo hibo leh, waxaana sidoo kale jira ciyaartooy fiican ee khadka dhexe ah sida Mateo Kovačić iyo Jorginho si ay u abaabulaan ciyaarta”.

“Ma aqaano booska uu Philippe Coutinho ka ciyaari doono, haddii aan ahaan lahaa madaxweynaha ama macalinka kooxda, aad ayaan uga caga jiidi lahaa inaan la soo wareego” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Frank Leboeuf.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close