Majaladda Transfer Market oo soo saartay kala sarreynta qiimaha lacageed ee ay ku fadhiyaan kooxaha ka ciyaara horyaalka La Liga

(Madrid) 18 Mar 2020. Majaladda Transfer Market oo ka faalloota sare u kaca iyo hoos u dhaca qiimaha lacageed ee ciyaartoyda iyo kooxaha kubadda cagta ayaa soo saartay kala sarreynta qiimaha lacageed ee ay ku fadhiyaan kooxaha horyaalka Spain ee La Liga ciyaara.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa ah kaliya kooxaha qiimo ahaan ka sarreeya 1 bilyan oo euro, xilli Atletico Madrid ay iyadu hoos u dhac dhanka suuqa kala iibsiga ah sameysay.

Haddaba liiskan hoose ayaa ka daallacan kartaa 10-ka koox ee ugu qiimaha sarreeya horyaalka La Liga sida ay Transfer Market ku qiimeysay:-

  1. Real Madrid – €1.08 Billion
  1. Barcelona – €1.06 Billion
  1. Atletico – €870.5m
  1. Valencia – €524.5m
  1. Real Sociedad – €390.0m
  1. Sevilla – €316.0m
  1. Real Betis – €291.5m
  1. Athletic – €256.0m
  1. Villarreal – €229.4m
  1. Getafe – €200.1m

Marka la eego dhammaan kooxaha ka ciyaara La Liga, waxaa qaybta hoose ka fadhiya kooxo ay ka mid yihiin Granada, Eibar iyo Osasuna.

Waa kuwan 10-ka koox ee ugu qiimaha hooseeya La Liga sida ay Transfer Market ku qiimeysay:-

  1. Celta Vigo – €181.6m
  1. Espanyol – €163.2m
  1. Alaves – €109.9m
  1. Levante – €103.8m
  1. Leganes – €98.5m
  1. Valladolid – €93.7m
  1. Mallorca – €75.9m
  1. Osasuna – €71.6m
  1. Eibar – €66.9m
  1. Granada – €66.7m

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close