Kooxda Liverpool oo bixisay abaal-marinta xiddiga bisha Febraayo ugu fiicnaa

(Liverpool) 18 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay xiddigii ugu fiicnaa kooxdeeda bishii Febraayo ee la soo dhaafay.

Abaal-marintan ayaa ah mid ay Kooxda kubadda cagta Liverpool ku dhawaaqdo bil kasta, waxaana la gudoon siiyaa xiddigii ugu wax qabadka fiicnaa.

Image

Liverpool ayaa u caleemo saartay abaal-marintan xiddigeeda da’ada yar ee Alexander-Arnold, kaasoo sameynaya bandhigiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.

Waa markii labaad uu Alexander-Arnold  ku guuleysanayo abaal-marinta xiddiga bisha xilli ciyaareedkan 2019/2020, kaddib markii loo caleemo saaray bishii December ee sanadkii hore 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close