Dhulgariir ku dhuftay Magaalada uu ka soo jeedo Cristiano Ronaldo, xilli laacibka Juve uu qol halkaas ku yaala isku karaantiilay!

(Madeira) 18 Mar 2020. Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa horraan isku xiray jaziirad ku taalla magaalada uu ka soo jeedo Madeira si uu kaga badbaado caabuqa Coronavirus oo magaalooyin badan oo Portugal ah saameeyay, hase ahaatee weli waxa uu ku jiraa halis kale, maadaama uu dhul-gariir ku dhuftay jaziiradda uu ku sugnaa dhowaanahan.

Labo gariir ayaa ruxay Jasiiradda uu ku sugan yahay garabka kooxda reer Talyaani ee Funchal habeennadii la soo dhaafay.

Subixii Axadda ayaa la arkay dhul-gariir cabirkiisa uu ahaa 3.8 Richter, waxaana uu daba socday mid intaas ka weynaa, isla markaasna ahaa 5.2 Richter oo dhacay toddobaad ka hor.

Qofna kuma uusan wax yeelloobin dhul-gariirradaas inkastoo wararka ay sheegayaan in dhagxaan ay xireen waddooyinka laga geli lahaa Jasiiradda ku taalla Buuraleyda.

Dhul-gariirkii dambe ayaa ka dhacay meel 10km u jirta xeebta koonfureed ee Madeira.

Labadan dhul-gariirkaan ayaa la aaminsanyihiin inay yihiin kuwii uu horreeyay muddo 12 sano ah ee ka dhaca Jasiiraddaas oo ay ku noolyihii  dad tiradooda lagu qiyaasay 290,000 oo qof.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close