Macalin Ole Gunnar Solskjæ oo si aan horey loo arag u ammaanay qaab ciyaareedka Bruno Fernandes

(Manchester) 17 Mar 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa si weyn u ammaanay qaab ciyaareedka xiddigiisa khadka dhexe reer Portugal ee Bruno Fernandes.

Bruno Fernandes ayaa wuxuuna si dhakhso ah ugu guuleystay inuu caddeeyo inuu u qalmo xirashada maaliyada gaduudan ee Manchester United, wuxuuna sagaal kulan uu ciyaaray ku guuleystay inuu dhaliyo 3 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 4 gool kale.

Haddaba wargeyska “Metro” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay macalin Ole Gunnar Solskjær waxaana haddaladiisa ka mid ahaa:

“Bruno wuxuu u shaqeynayaa si fiican, wuxuuna ku raaxeysanayaa xasilooni ku filan”.

“Wuxuu heystaa rabitaan, joogteyn iyo geesinimo ku filan, si qaladaadka uu sameeyo uu ugu saxo goolal iyo inuu sameeyo baasas wax go’aamin kara”.

“Waxaad u baahan tahay dabeecada halkan, laakiin kooxda waxay leedaha dabeecadaas, waxay wax ka barteen waqtiyadii adkaa ee xilli ciyaareedkan, maxaa yeelay waxaan haysannaa koox yar, waxaana billoownay wax la aamini karo, Bruno wuxuu naga caawiyay arrintaas”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close