Halyeey Arsenal ah oo sharaxay sababta aan Liverpool loogu caleymo saari Karin horyaalka Premier League

(England) 17 Mar 2020. Halyeey Arsenal ah ayaa sharaxay sababta aan Liverpool loogu caleymo saari Karin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Halyeeyga kooxda kubadda cagta Arsenal ee Paul Merson ayaa sharaxay sababta Liverpool aan loogu ogolaan Karin hanashada horyaalka Premier League ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Liverpool ayaa kaga hoggaamineysa Premier League kooxda ku soo xigta ee Manchester City 25 dhibcood, waxaana dib loo dhigay kulamada horyaalka ilaa iyo 3-da bisha April ee soo socota, sababa la xiriira faafica caabuqa Coronavirus.

Laakiin kooxda Liverpool kaliya waxay u baahan tahay 6 dhibcood si loogu caleymo saaro si rasmi ah hanashada horyaalka Premier League ee dalka England.

Haddaba Paul Merson ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

Image result for Paul Merson

“Waa wax fiican in la sheego in Liverpool ay ka sarreyso kooxda ku soo xigta 25 dhibcood”.

“Xaqiiqdi waxaan dareemeynaa Liverpool, inay sugtay mudo 30 sano ah si ay ugu guuleysato koobka horyaalka Premier League”.

“Qofna ma xiiseyn doonto haddii ay 25 dhibcood kaga hoggaaminayaan Man City, kooxdan kuma guuleysan horyaalka 30 sano ah, waana sida filim oo kale.”

“Xaqiiqdii waxaan dareemayaa iyaga oo kale, xitaa hadaad siiso Reds horyaalka hadda, uguma aysan guuleysan qaab isboorti ahaan, waxaan ogahay inay ugu guuleysan doonaan qaab hoggaamin ahaan, kulligeen waan ognahay arrintaas, laakiin ma ahan sidaas, sababtoo ah waa ceeb”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close