RASMI: Brazil oo xannibtay guud ahaan tartammada kubadda cagta ee dalkeeda

(Brasilia) 16 Mar 2020. Caabuqa Coronavirus oo dunida ku sii fidaya ayaa saameyn ku yeeshay tartammada kala duwan ee kubadda cagta, gaar ahaan tartammada laga ciyaaro Waddamada uu gaaray, sidaas darteed xiriirka kubadda cagta dalka Brazil ayaa isna xayiraad saaray dhammaan tartammada kubadda cagta ee dalkaasi, xilli madaxweynaha xiriirka CBF Rogerio Caboclo uu hoosta ka xarriiqay inuu qayb ka qaadan doono in la la dagaallamo in dalkaas uu ku faafo COVID-19.

In xiriirka Brazil ay ku dhawaaqaan joojinta kubadda cagta dalkaas ayaa timid kaddib markii xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA ay dib u dhigtay is reeb-reebka Koobka Adduunka 2022-ka ee ay waddamada koonfurta Ameerika ciyaari lahaayeen, kuwaasoo la jadwaleeyay in la ciyaaro inta u dhexaysa 26-ka illaa 31-ka bishaan Maarso.

Bayaan qoran oo ay xiriirka CBF ku soo daabaceen mareegtooda rasmiga ah ayay ku sharraxeen tartammada ay joojiyeen, iyagoo hoosta ka xarriiqay inay muhiimad gaar ah leedahay in laga falceliyo cudurka Coronavirus iyo sida uu faafayo.

“Xiriirka kubadda cagta Brazil [CBF] ayaa go’aansaday laga billaabo maanta oo Isniin ah, taariikhduna tahay 16-ka Maarso, tartammada dalkaas oo dhan in la xannibo sida: Copa do Brasil, Brazilian Women’s Championships A1 and A2, Championship Brazilian U-17 and Copa do Brasil U-20,” ayuu u qornaa bayaanka ay xiriirku soo saareen.

Sidoo kale waxaa qoraalkan oo dheeraa ay xiriirku ku sheegeen inay si joogto ah ula xiriirayaan wasaaradda caafimaadka ee dalka Brazil, iyagoo dadaalkooda ku biirrinaya sidii looga hor tagi lahaa in caabuqan uu ku faafo dalkaas.

Ugu dambeynna Madaxweyne Caboclo ayaa tibaaxay inay ogyihiin masuuliyadda kubadda cagta ka saaran inay la dagaallamaan in feeyruska COVID-19 uu ku fido dalka Brazil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close