“Liverpool waa kooxda ugu fiican taariikhda horyaalka Ingiriiska” – Robbie Fowler

(Liverpool) 16 Mar 2020. Robbie Fowler oo ka mid ah halyeeyadii ugu fiicnaa taariikhda ee soo martay kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa aaminsan in Reds ay noqon doonto kooxdii ugu fiicneyd ee ku guuleysata Premier League marka loo fiiriyo taariikhda tartankan.

Dhinaca kale Robbie Fowler ayaa carabka ku adkeeyay inaysan jirin cid su’aal ka keeni karta u qalmida Liverpool inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Wargeyska “Liverpool Echo” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Robbie Fowler waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Uma maleynayo inuu jiro taageere England dhexdeeda ah oo aan qiraneyn inay Liverpool u qalanto ku guuleysiga horyaalka Premier League.”

“Uma maleynayo inuu jiro qof ka doodi kara u qalmida Liverpool inay ku guuleysto horyaalnimada, xitaa kooxaha ay sida daran u xilfaltamaan.”

“Waxaan ciyaaray muddo 30 sano ah, kaddib markii ay Liverpool isku dayday inay mar kale ku guuleysato horyaalka, marka waan ogahay micnaha ay noo leedahay in aan ku guuleysano horyaalnimada”.

“Kani waa xilli ciyaareedkii ugu weynaa taariikhda Premier League, sababtoo ah kooxda waxay sameysay rikoorro waa weyn, waxayna noqon doonaan kooxdii ugu fiicnayd ee ku guuleysata Premier League.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close