Laacib hore kooxda Liverpool ah oo hal arrin kula taliyay maamulka Reds iyo tababare Jurgen Klopp

(Liverpool) 15 Mar 2020. Laacib hore kooxda kubadda cagta Liverpool ah ee ayaa hal arrin kula taliyay maamulka Reds iyo tababare Jurgen Klopp

Phil Thompson ayaa kula taliyay maamulka Reds iyo tababare Jurgen Klopp inay dib ula soo wareegaan kubad sameeya reer Brazil ee Philippe Coutinho.

Philippe Coutinho ayaa kaga biiray Liverpool kooxda Barcelona kahor inta uusan qaab amaah ah ee laba xilli ciyaareed ugu dhaqaaqin naadiga Bayern Munich.

Phil Thompson ayaa sheegay sababta uu u taageerayo in Philippe Coutinho uu dib ugu soo laabto kooxda Liverpool ay tahay nooca xiddigaha u qalma inay ka ciyaaraan Reds.

Haddaba Phil Thompson ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Image result for phil thompson and Philippe Coutinho

“Waa nooca ciyaaryahanka ee aan runtii u baahanahay inay la falgalaan daafacyada adag” ayuu hadalkiisa ku soo xiray laacibkii hore kooxda kubadda cagta Liverpool ee Phil Thompson.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close