Juventus oo qorsheyneysa inay qandaraaska u kordhiso Cristiano Ronaldo

(Turin) 15 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa qorsheyneysa inay qandaraaska u kordhiso xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Portuqal ee Cristiano Ronaldo ayaa xagaagii 2018 uga soo dhaqaaqay Real Madrid aduun dhan 117 milyan euro, wuxuuna qandaraaskiisa Bianconeri uu dhacayaa June 2022, wuxuuna Isbuucii qaataa 500 kun ginni.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Tuttosport” ee dalka talyaaniga, maamulka kooxda Juventus ayaa raadinaya inay qandaraaska u kordhiyaan Cristiano Ronaldo laba sano oo dheeri ah.

35 jirkan ayaa dhaliyay 25 gool, 32 kulan uu saftay tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan kooxda Juventus tartamada oo dhan, oo ay ku jirto 21 gool uu ku dhaliyay 22 kulan ee horyaalka Serie A.

Cristiano Ronaldo ayaa goolal dhaliyay 11 kulan xiriir ah horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan laga soo bilaabo 1-da Disembar ilaaiyo   22-kaFebraayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close