Vinicius Jr oo shaaca ka qaaday sababta uu Real Madrid kaga door biday Barcelona

(Madrid) 14 Mar 2020. Xiddiga reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Vinicius Jr ayaa shaaca ka qaaday sababta uu Los Blancos kaga door biday naadiga Barcelona.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu arrintan kaga hadlay Vinicius Jr waxaana uu yiri:

“Waxay aheyd kaddib koobkii Copa America xiddigaha da’adooda ka hooseyso 17 jirada ee lagu qabtay dalka Chile”.

Image result for vinicius jr Real Madrid an Barcelona

“Waxaa jiray hadalo xan ah ee ku saabsanaa xiisaha ay ii qabaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, laakiin waligey mar rumeysanin inay dhici doonto arrintaas”.

“Laakiin waxaan ogaaday kaddib inay run tahay, maadaama kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ay dalabkoodii soo gudbiyeen, kaliya waxaan haystay seddex maalmood si aan go’aan u qaato.”

“Waxaan mar walba doonayay inaan la ciyaaro kooxda ugu fiican, marka waxaan doortay Real Madrid”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close