Lionel Messi oo soo diray fariin ku aadan Coronavirus

(World) 14 Mar 2020. Xiddiga reer Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa diray fariin uu ku taageerayo dhammaan dadka ku nool adduunka ee qaba caabuqa Coronavirus.

Lionel Messi ayaa ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la raaco tilmaamaha si looga gudbo muddadan adag.

Messi ayaa boggiisa rasmiga ah ee “Facebook” wuxuu ku sheegay:

“Waa maalmo adag, waxaana ka walaacsanahay waxa dhacaya waxaana dooneynaa inaan caawino kuwa la dhibaateysan caabuqan, sababtoo ah wuxuu si toos ah saameyn ugu yeeshay qoyskooda iyo asxaabtooda”.

“Caafimaadka waa inuu markasta ugu horreeyaa, waa xilli aan caadi ahayn, waana inaan raacno tilmaamaha hay’adaha caafimaadka iyo hey’adaha dowliga ah, waana sida kaliya aan ugula dagaalami karno cudurkan si hufan”.

“Waa waqtigii la qaadi lahaa mas’uuliyadda lana joogi lahaa guriga, maadaama ay tahay xalka ugu fiican ee lagu raaxeysan karo muddadaas iyo waqtiga aan had iyo jeer la heli Karin.”

“Waxaan rajeyneynaa inaan sida ugu dhakhsaha badan u soo afjarno xaaladdan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close