RASMI: Chelsea oo shaacisay in xiddig ka tirsan kooxdeeda uu ku dhacay cudurka Coronavirus

(London) 13 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhawaaqday in ciyaaryahan ka tirsan safkeeda uu haleelay  cudurka Coronavirus.

Blues ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga da’ada yar reer England ee Callum Hudson-Odoi uu ku dhacay xanuunka Coronavirus.

Chelsea oo ku daabacday website-keeda rasmiga ah war saxaafadeed ay kaga hadleysay xaalada kooxdeeda koowaad ee kubadda cagta ayaa xaqiijisay inay ku jiraan xaalad karantiil ah.

Image result for Hudson-Odoi

Callum Hudson-Odoi oo kaliya ma uusan haleylin cudurka Coronavirus, marka loo fiiriyo kooxaha reer England, ee sidoo kale wuxuu ku dhacay macalinka naadiga Arsenal ee Mikel Arteta.

Arrintan ayaa waxay sababi kartaa in xiriirka kubadda cagta England ee FA-ga ay dib u dhigaan dhamaan kulamada horyaalka Premier League.

Bayaan ay soo saartay kooxda Chelsea ayaa lagu cadeeyay in dadka aan xiriir dhow la laheyn ciyaaryahanka Callum Hudson-Odoi la rajeynayo inay ku soo laabtaan shaqada mar kale dhowr maalmood gudahood, inta soo hartayna lagu karantiilay dhismaha kooxda ee ragga, oo ah mid ka mid ah dhismooyin dhowr ah oo ka gooni ah garoonka tababarka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close