Ole Gunnar Solskjær oo si xoogan u ammaanay xiddig ka tirsan Man United kaddib guushii ay ka gaareen kooxda LASK

(Manchester) 13 Mar 2020.Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa kaddib guushii naxariisdarrada aheyd ay xalay kaga gaareen naadiga LASK tartanka Europa League, wuxuu ka hadlay qaab ciyaareedka Odion Ighalo.

Manchester United ayaa guul weyn ka soo heshay kooxda LASK oo ay booqatay kulankii lugta hore ee wareega 16-ka tartanka Europa League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-5.

Ole Gunnar Solskjær ayaa kaddib marka ay ciyaarta dhamaatay wuxuu amaan kala dul dhacay weeraryahanka reer Nigeria Odion Ighalo wuxuuna yiri:

“Cayaaryahankeena reer Nigeria wuxuu qabanayaa shaqo weyn tan iyo markii uu yimid halkan, wuxuu sameyn doonaa horumar, wuxuuna noqon doonaa kan ugu fiican”.

“Odion Ighalo wuxuu heystaa awoodaha aan u baahanahay oo dhan xilli ciyaareedka soo socda”.

“Ighalo waa weeraryahan iyo gooldhaliye, wuu garanayaa shaqadiisa, iyo doorkiisa kooxda, waa mid aad u wanaagsan, waxa ugu fiican ayaa ah inuu heysto shaqsiyad xoogan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close