Kulamada Premier League oo dib loo dhigay… (Goormee la qorsheeyay in dib loo ciyaaro?)

(England) 13 Mar 2020. Xiriirka kubadda cagta ee horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay maanta oo Jimco ah in dib loo dhigay kulamada horyaalka ilaa iyo Isbuuca ugu horreeya bisha soo socota ee April, sababa la xiriira cudurka Coronavirus.

Cudurka Coronavirus ayaa saameyn weyn ku yeeshay horyaalka Premier League, kaddib markii uu ku dhacay macalinka kooxda Arsenal ee Mikel Arteta iyo weeraryahanka Chelsea ee Callum Hudson-Odoi, isla markaana kooxo dhowr ah la karantiilay.

Haddaba waxaa si rasmi ah dib u dhac ugu yimid riyadii kooxda Liverpool ee hanshada horyaalka Premier League, labada toddobaad ee soo aadan, waxaana dib loo dhigay ilaa iyo 3-da bisha April ee soo socota.

Sidoo kale wuxuu hakat ku yimid marka laga yimaado horyaalka Premier League tartamada kale ee gudaha England ee FA Cup iyo Carabao Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close