Neymar Jr oo si adag ugu jawaabay Haaland kaddib guushii ay PSG xalay ka gaartay Dortmund ee Champions League

(Paris) 12 Mar 2020. Neymar Jr ayaa si adag ugu jawaabay Haaland kaddib guushii kooxdiisa ay xalay ka gaartay Dortmund ee Champions League, waxaana uu u sheegay in Paris ay tahay caasimadooda ee aysan ahayn caasimadda Haaland.

Kaddib markii Neymar uu ka caawiyey PSG inay ka gudbaan wareegga 16-ka Champions League markii ay xalay garaaceen Dortmund, weeraryahankan reer Brazil ayaa sawir soo dhigay bartiisa instagram-ka, waxaana uu ku soo qoray: “Paris waa caasimaddeenna, ma’ahan taada”.

Erling Haaland ayaa kulanka ka hor waxa uu bartiisa snapchat-ka soo geliyey Hotel Paris waxaana uu soo raaciyey qoraal u dhignaa: “Caasimadeyda ma’ahan taada.”

Markii uu Neymar dhaliyey goolka koowaad ee ciyaartay kulankii xalay PSG ay guusha 2-0 ka gaartay Dortmund, waxa uu soo min-guuriyey dabaal-deggii uu Haaland sameeyey markii uu gool ka dhaliyey kulankii lugta hore ee ka dhacay Jarmalka.

Kulanka markii uu soo dhammaaday kaddibna waxa uu Instagram-kiisa soo dhigay sawir uu soo raaciyey qoraal u dhignaa: “Caasimaddaadu waa Norway ee walaal dib ugu laabo. Paris waa caasimaddeenna ee ma’ahan taada.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close