“Jan Oblak waa Messi-ga Atletico Madrid” – Simeone oo ku heesaya goolhaayaha reer Slovenia

(Liverpool) 12 Mar 2020. Tababaraha reer Argentina iyo kooxda  Atletico Madrid ee  Diego Simeone ayaa isbar-bardhigay Jan Oblak iyo Lionel Messi marka loo fiiriyo dhanka saameynta, kaddib guushii ay xalay kaga gaareen Liverpool garoonka Anfield.

Goolhaayaha reer Slovenia ee Jan Oblak ayaa xalay bandhig fiican ku hor sameeyay kooxda Liverpool, wuxuuna ka bad baadiyay kubaddo badan oo halis ku ahaa, taasoo ka dhigtay in kooxdiisa Atletico Madrid uu ku hoggaamiyo gool.

Kooxda Atletico Madrid ayaa iska xaadirasay wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League, kaddib markii ay cel celis ahaa labadii lugood ay ku wada ciyaareen Liverpool wareega 16-ka ay kaga soo gudubtay farqiga goolasha ee 2-4 ah.

Haddaba Diego Simeone ayaa wareysi uu bixiyay kaddib markii ay ciyaarta dhamaatay wuxuu ku sheegay:

Image result for Jan Oblak and Simeone

“Jan Oblak waa Messi-ga Atletico Madrid, aad ayuu muhiim u yahay sida Savić, Felipe iyo João Félix, waxaan haysanaa goolhaye kaasoo ah kan ugu fiican adduunka”.

“Jan Oblak wuxuu noo xaliyay dhibaatooyinkeena maanta, sida Lionel Messi uu ka sameeyo Barcelona, Jan waa kan ugu fiican, haddana wuxuu joogaa booska uu u qalmo, taasi waa hubaal”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartoyda iyo kooxda, mar labaad waxaan la mid nahay 8-da kooxood ee ugu wanaagsan qaarada Yurub”.

“Wadadu ma aheyn mid fudud, waxaan la ciyaarnay koox adag iyo taageerayaal xoogan, waxaana isku daynay inaan cadaadis ka saarno Liverpool saddexda weerar ee horey, waxaana ka faa’iideysanay qaladaadka kooxda naga soo horjeeday”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close