Borussia Dortmund oo ku wargalisay Man United iyo Liverpool go’aankeeda ku aadan iibka Jadon Sancho

(Borussia) 12 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa go’aamisay qiimaha ay ku fasixi karto xiddigeeda reer England ee Jadon Sancho.

Haddalkan ayaa wuxuu yimid isla markaana lagu ogaaday kaddib wareysi uu bixiyay madaxa fulinta kooxda Borussia Dortmund ee Hans-Joachim Watzke.

19 jirkan ayaa wuxuu bandhig fiican ka sameeynayaa horyaalka Bundesliga ee dalka Germany xilli ciyaareedkan, wuxuuna sidoo kale 11 kulan u saftay xulka qaranka England, waxaana loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha mustaqbalka kubadda cagta Ingariiska.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa raadineysa in sida ugu macquulsan ay uga faa’iideysato iibinta Jadon Sancho,  kaasoo qiimihiisa uu sare u kici karo haddii uu ka soo muuqdo Koobka Qaramada Yurub ee la qaban doono sanadkan 2020.

Sancho oo 19 gool u dhaliyay kooxdiisa xilli ciyaareedkan, ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ay ugu doonista badan yihiin kooxaha waaweyn ee Ingiriiska sida Liverpool, Manchester United iyo Chelsea.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Bild” ee dalka England Borussia Dortmund ayaan aqbali doonin inay ku iibiso Jadon Sancho suuqa xagaaga ee soo aadan qiimo ka yar 121 milyan oo ginni.

Wargeysku ayaa wuxuu aaminsan yahay in qiimahan kor ku xusan ee aadka u badan uusan hor istaagi doonin kooxaha xiiseynaya inay helaan adeega mid ka mid ah musharixiinta ugu caansan ee la filayo inay ku tartamaan ku guuleysiga abaal-marintaBallon d’Or mustaqbalka.

Haddaba madaxa fulinta kooxda Borussia Dortmund ee Hans-Joachim Watzke ayaa wareysi uu ku bixiyay RMC Radio wuxuu ku sheegay:

“Jadon Sancho waa hibo aad u wanaagsan, waxaana lagayaabaa inuu yahay kan ugu wanaagsan ee xiddigaha da’adooda ka hooseyso 21 jirada, fikir ahaanteyda, wuxuu awood uleeyahay inuu kamid noqdo seddexda xidig ee adduunka ugu wanaagsan, waxaana isku dayi doonaa inaan ku ceshano halkan sida ugu fiican ee aan awoodno, sababtoo ah xiriir wanaagsan ayaan la leenahay isaga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close