Afarta ciyaaryahan ee u sharraxan xiddiga Isbuuca ee Champions League oo la shaaciyey & Goolhaye Jan Oblak oo hoggaaminaya

(Yurub) 12 Mar 2020. Xiriirka kubada cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga isbuuca ee tartanka Champion League.

Tartanka Champion League ayaa todobaadkan kulamo xiiso badan laga dheelay xilli kooxo dhowr oo aan la filayn iskaga hareen tartanka, halka kuwa kale ay u soo baxeen wareegga siddeed dhammaadka tartankan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg waxqabadka afarta ciyaaryahan ee u sharraxan xiddiga isbuuca ugu fiicanaa Champions League:-

Marcel Sabitzer ayaa dhaliyay labo gool qaab ciyaareed wanaagsan ayuuna soo bandhigay kulankii kooxdiisa ay guusha ka heshay Tottenham, sidoo kale wuxuu ahaa mid cabsi badan ku abuuray khadka dhexe ee Spurs.

Sabitzer wuxuu si toos ah ugu lug lahaa 6 gool 7 kulan oo UEFA Champions League ah xilli ciyaareedkan (4 gool waa uu dhaliyey, halka 2 kale uu caawiye ka ahaa).

Juan Bernat wuxuu la soo muuqday qaab ciyaareed aad u wanaagsan, isagoo hadaf leh si uu isagu naftiisa ugu helo abaal-marinta isagoo ah Difaac adag, waxa uu handaday weeraryahanno uu ka horyimid,  wuxuuna dhaliyay goolkiisii labaad ee kooxdiisa.

Josip Ilicic ayaa ah ninka afar gool ka dhaliyay Valencia kana caawiyay Atalanta inay u gudubto wareegga siddeed dhamaadka ee Champion League, sidoo kale kooxdiisa Atalanta ayaa markii ugu horreysay u soo baxday wareegga siddeed dhammaadka tartanka xiisaha badan ee Champion League.

Ilicic waa ciyaariyahankii ugu horreeyay ee reer Slovenia ah ee saddexleey ka dhaliya tartanka UEFA Champions League – waana ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee saddexleey away ah ka dhaliya UCL isago jira 32 sano iyo 41 maalmood, wuxuu dhaafay Ibrahimovic.

Jan Oblak wuxuu hor istaagay  goolhayahan wax kasta oo jidkiisa soo maray, isagoo ku dhiirrigeliyay kooxdiisa Atletico Madrid inay Liverpool ku garaacdo garoonkeeda Anfield oo muddo ugu dambeysay in lagu garaaco kooxdan.

Oblak ayaa habeenkii xalay bandhig cajiib ah soo bandhigay isago kooxdiisa ka badbaadiyay goolal halis ku ahaa shabaqada naadigiisa Atletico Madrid, ugu dambeyn kooxda reer Spain ayaa u soo gudubtay wareegga siddeed dhammaadka tartanka Champion league, waxaana uu hadda hoggaaminaya ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga isbuuca ee UCL.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close