Virgil van Dijk oo wacad ku maray in Atletico Madrid ay marsiin doonaan wadadii Barcelona

(Liverpool) 11 Mar 2020. Daafaca reer Holland iyo kooxda kubadda cagta Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa xaqiijiyay in Reds ay ku wajihi doonto Atletico Madrid kulanka lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League, isla maskaxdii ay kaga hortageen Barcelona xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Gool uu 4 daqiiqaba ciyaarta marka ay socotay dhaliyay Saul Niguez ayaa u sahashay in Atletico Madrid ay kaga adkaato Liverpool, kulankii lasoo dhaafay ee lugta hore wareega 16-ka UEFA Champions League xagaagan.

Taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa waxay kalsooni ka muujiyeen in xiddigahooda Reds ay ku dhiiranaan doonaan guulihii ay gaareen sanadihii lasoo dhaafay, taasoo u suurtogalin karta inay ka gudbaan dhibta naadiga Atletico Madrid ee ku soo adkaatay 1-0 kulankii lugta hore ee ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Virgil van Dijk kahor kulanka caawa ka dhici doono garoonka Anfield, waxaana uu yiri:

Image result for virgil van dijk

“Fursad ma aanan siinin kooxda Barcelona, waxaan ku ciyaari doonaa kulankan isla maskaxdaas oo kale sida caadiga ah”.

“Waxaan rajeyneynaa inaan badinno kulankan oo aan ciyaarno kubad wanaagsan, laakiin marka ugu horreysa waa inaan soo bandhigno xamaasad iyo shaqo adag.”

“Qof walba waa inuu ciyaaraa doorkiisa, min daqiiqada ugu horeysa ilaa iyo tan ugu dambeysa, waxyaabo ayaa dhici kara”.

“Atletico Madrid si xoogan ayey u dagaalami doontaa, sababtoo ah waa koox fiican, waxay ka mid tahay kooxaha ugu fiican qaab ciyaareedkooda, waxay nagu abuuri karaan dhibaatooyin weerarada gaadmada ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close