Guardiola oo ka hadlay xaallada De Bruyne, Agüero iyo Sané kahor kulanka Real Madrid

(Manchester) 11 Mar 2020. Macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay xaalada dhaawacyo ee xiddigaha Kevin De Bruyne iyo Sergio Agüero.

Pep Guardiola ayaa ka hadlay xaalado badan ee quseeya kooxdiisa, kahor kulanka ay Real Madrid ku wajihi doonaan lugta labaad wareega 16-ka Champions League isbuuca soo aadan.

Manchester City ayaa la kulantay dhaawacyo badan xilliyadii lasoo dhaafay, gaar ahaan saddexda xiddig muhiimka ah ee De Bruyne, Agüero, iyo Leroy Sané.

Haddaba Pep Guardiola ayaa wareysi uu ku bixiyay shirkan Jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay xaalada saddexdan xiddig wuxuuna yiri:

“Kevin De Bruyne aad ayuu u fiican yahay, wuxuu tababarka nala sameeyay tan iyo shalay”.

“Sergio Aguero, haa wuu fiican yahay, sidoo kale Leroy Sané wuu soo fiicnaanayaa, waan ku faraxsanahay inuu nala joogayo waqtiyada soo socda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close