Kooxaha RB Leipzig iyo Atalanta oo u gudbay wareega siddeed dhamaadka UCL, kaddib markii ay garaaceen Tottenham iyo Valencia… +SAWIRRO

(Yurub) 11 Mar 2020. Kooxda RB Leipzig ayaa iska xaadirasay wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League, kaddib markii ay cel celis ahaa labadii lugood ay ku wada ciyaareen wareega 16-ka ay kaga soo gudubtay 4-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee RasenBallsport Leipzig.

Daqiiqadii 10-aad kooxda Leipzig ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Marcel Sabitzer, waxaana goolkan ka caawiyay Timo Werner.

Daqiiqadii 21-aad kooxda reer Germany ee Leipzig ayaa dhalisay gool labaad waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Marcel Sabitzer, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Angelino.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

87 daqiiqo kooxda RasenBallsport Leipzig ayaa dhalisay gool saddexaad waxaana 3-0 ka dhigay dheesha Emil Forsberg.

Ugu dambeyntii ciyaartaayaa ku soo dhamaatay 3-0 ay kaga adkaatay RasenBallsport Leipzig kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu aheyd garoonka Red Bull Arena Leipzig, waxayna kooxda reer Germany u gudubtay wareega siddeed dhamaadka tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay cel celis ahaan ku soo baxday 4-0.

Dhinaca kale kooxda Atalanta ayaa kaga adkaatay Valencia 3-4 kulankii lugta labaad wareega 16-ka UEFA Champions League, waxayan u gudubtay wareega xigga ee siddeeda, kaddib markii ay cel celis ahaan labada kulan ay wada ciyaareen ku soo baxday 4-8.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close