Håaland oo xiddig ka ciyaara Premier League ku tilmaamay daafaca ugu adag ee uu wajahay

(Borussia) 10 Mar 2020. Gooldhaliyaha cajiibka ah ee kooxda Borussia Dortmund Erling Håland ayaa sharaxay sababta uu ugu tilmaamay xiddig ka ciyaara Premier League daafaca ugu adag uu wajahay

Erling Håland ayaa xaqiijiyay in daafaca naadiga Liverpool ee Virgil van Dijk uu yahay daafaca ugu adag uu ka horyimid xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta.

Wargeyska “Liverpool Echo” ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay weerar kooxda Borussia Dortmund ee Erling Håland waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Van Dijk waa ciyaaryahan aad u cajiib ah, ciyaaryahan xoog badan, isla markaana dhakhsi badan, wuxuu heystaa awood kasta, runtii waa cajiib” ayuu yiri Erling Håland.

Waxaa xusid mudan in Erling Håland uu labo kulan kaga horyimid kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League kooxdiisii hore ee Red Bull Salzburg.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close