Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ee Karim Benzema oo Xalay barbareeyey Samuel Eto’o

(Madrid) 09 Mar 2020. Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Karim Benzema ayaa xalay barbareeyey dhaliyaha ka soo jeeda qaaradda Afrika ee Samuel Eto’o, kaddib goolkii uu ka dhaliyey Betis.

Real Betis ayaa guuldarro dusha u saartay kooxda Real Madrid oo marti u ahayd, waxaana ay xalay uga adkaatay 2-1, goolka qura oo ay Los Blancos la timid kulankan, waxaa dhaliyey Benzema oo sidaas ku barbareeyey Eto’o.

Benzema ayaa gool ku laad uu xalay dhaliyey kulankii Betis waxa uu ku barbareeyey Eto’o, isagoo ka mid noqday shanta ciyaaryahan ee ajaaniibta ah ee ugu goolasha badan taariikhda horyaalka La Liga.

Kaddib goolkii uu ugu shubay Betis, waxa uu Weeraryahanka Real Madrid ee Benzema la sintay Eto’o, isagoo noqday ciyaaryahanka shanaad ee ugu goolasha badan taariikhda horyaalka La Liga kuwaasoo aan u dhalan Spain.

Image result for Karim Benzema Betis goal

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha Ajaaniibta ah ee ugu goolasha badan horyaalka La Liga & Goolasha ay dhaliyeen:-

438 – Lionel Messi (Argentina)

311 – Cristiano Ronaldo (Portugal)

234 – Hugo Sanchez (Mexico)

227 – Alfredo Di Stefano (Argentina)

162 – Karim Benzema (France)

162 – Samuel Eto’o (Cameroon)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close