Muxuu ka yiri Frank Lampard guushii weyneyd uu ka gaaray macalinkiisii hore ee Carlo Ancelotti?

(London) 09 Mar 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa faallo ka bixiyay guushii weyneyd uu shalay ka gaaray macalinkiisii hore ee Carlo Ancelotti.

Chelsea ayaa guul weyn kaga gaartay garoonkeeda Stamford Bridge kooxda Everton, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 29-aad ee horyaalka Premier League.

Frank Lampard ayaa la hadlay warbaahinta kaddib guushii ay ka gaareen kooxda Everton wuxuuna yiri:

“Waxaan had iyo jeer u baahan nahay liis ciyaartoy, waxaan la kulannaa dhaawacyo badan, sida kaliya ee aan uga gudbi karno dhibaatadan waa aaminaada dhamaan ciyaartooyda”.

“Guusheenii labaad oo isku xigta?” ma doonayo inaan ka hadlo, kaliya waa inaan u shaqeynaa sidii aan maanta sameynay oo kale, isla markaana aan muujino waxa aan ku sameyn karno garoonka dhexdiisa”.

Intaas kaddib Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa wuxuu intaas kaddib ka hadlay xiddigaha da’ayarta ee Man City wuxuuna yiri:

“Waxay abuureen isku dheelitirnaan kooxda ah, qof walba wuxuu siin karaa Chelsea awooda ay u baahan tahay kulamada ay ciyaareyso”.

Ugu dambeyntii Frank Lampard ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray ka hadlida loolanka loogu jiro ka mid noqoshada afarta ugu sareysa ee Premier League wuxuuna yiri:

“Wadadu wali waa ay dheer tahay, waana inaan diiradda saarnaa nafteena, aayaheena waxay ku jiraan gacmaheena”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close