Zidane oo ka tagi kara Real Madrid & Juventus oo u soo bandhigtay isaga kala bar Mushaharkiisa

(Turin) 07 Mar 2020. Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Juventus ay raadinayso inay la saxiixato tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane, si uu ugu noqdo bedelka Maurizio Sarri oo aan weli ku guuleysan shaqadiisa.

Zidane ayaa la la xiriirinayay tababarka kooxda Juventus wax ka badan hal jeer, gaar ahaan markii uu ka tagay Real Madrid xagaagii 2018, laakiin Macallinka reer France ayaa xilligaas go’aansaday inuu nasiino qaato.

Kaddib Zinedine Zidane ayaa wuxuu casuumaad ka helay madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez dhammaadka xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna go’aansaday inuu markale ku laabto Real.

Haddaba Wargeyska ayaa waxa uu warbixintiisan ku sheegay in Juventus ay isku dayeyso in Zidane uu tababare u noqdo kooxda, isla markaana Madaxweynaha Andrea Agnelli uu isku dayi doono inuu ka faa’ideysto xiriirka wanaagsan uu la leeyahay macallinka reer France, kaasoo horey ugu soo ciyaaray marwada duqda muddo shan sannadood ah.

Image result for zidane juventus logo

Wararka ayaa waxay intaa ku sii darayaan in Zinedine Zidane uu qorsheynayo inuu markale ka tago Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkan, isla markaana uu ka fiirsanayo inuu ku laabto Juventus si uu raadiyo qibrad cusub ee dhanka tababarka ee ka baxsan Los Blancos.

Haddaba Wargeyska caanka ah ee “Daily Mail” ayaa xaqiijiyay in Juventus ay ku talo jirto inay siiso Zidane mushahar sanadle ah oo gaaraya 8 milyan oo Euro, iyadoo laga war qabo inuu yahay kala bar mushaharka uu haatan ka qaato Real Madrid ee ah 16 milyan oo euro, sida uu hadda ka hor daabacay Wargeyska L’Equipe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close