Tababare Pep Guardiola oo doonaya in Kooxda Man City ay la soo wareegto da’yar ka tirsan Chelsea

(Manchester) 07 Mar 2020. Tababaraha Kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inay aad ugu baahan tahay kooxdiisa inay la soo wareegaan da’yarka Naadiga Chelsea ee Billy Gilmour.

18-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii ay kooxdiisa la dheeshay naadiga Liverpool ciyaar qeyb ka ahayd wareegga siddeed dhammaadka ee FA Cup kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen.

Sida laga soo xigtay El Desmarque, kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa raadinayay da’yarkan cajiibka ah, laakiin Guardiola ayay ka go’an inuu keeno Etihad Stadium laacibakn sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Gilmour ayaa Chelsea kaga soo biiray kooxda Rangers sanadkii 2017-kii, wuxuuna haatan u saftay lix kulan kooxda koowaad ee uu hoggaamiyo macallin Frank Lampard xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan labo kulan oo horyaalka Premier League.

Guardiola 'wants to bring Gilmour to Man City'

Xiddiga heerka caalami xulka Scotland ee xiddigaha da’dooda ka hooseyso 21-sano jirrada ahaana kabtanka kooxda juunyeerka Chelsea xilli ciyaareedkaan ayaa qandaraaska uu ku joogo garoonka Stamford Bridge, waxa uu dhacaya ilaa iyo bisha June sanadka 2023-ka.

Guardiola ayaa la sheegay inuu la sii joogayo Citizens xagaagan xitaa haddii kooxdu aysan awoodin inay ka laabato labo sano oo ganaaxkooda Yurub ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close