Timo Werner oo shaaciyay go’aankiisa kaga aadan heshiiska uu ugu biirayo Liverpool

(Germany) 06 Mar 2020. Saxaafada Ingariiska ayaa xaqiijisay maanta oo jimco ah in weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werner uu si xoogan u xiiseynayo inuu ku biiro naadiga Liverpool.

Wargeyska “The Athletic” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Timo Werner uu si cad u doonayay inuu u dhaqaaqo kooxda Liverpool xagaaga soo aadan.

Liverpool ayaa ogaatay inay burburin karto qandaraaska Timo Werner ee RB Leipzig, haddii ay kooxda reer Germany siiso lacag dhan 60 milyan ginni.

Timo Werner ayaa si xoogan loola xiriirinayey u dhaqaaqista kooxda Liverpool, kaddib markii uu codsaday macalinka reer Germany Jurgen Klopp, si uu qeyb kaga dhigto qorshihiisa kooxda ee xilli ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close