RASMI: Barcelona oo shaacisay dhaawaca mid ka mid ah xiddigaheeda

(Barcelona) 06 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war rasmi  ah ay soo saartay waxay shaaca kaga qaaday in ciyaaryahanka qadka dhexe reer Brazil ee Arthur Melo uu soo gaaray dhaawac canqawga ah kaasoo ka dhigaya inuu garoomada ka maqnaado dhowr isbuuc ee soo socda.

Barcelona ayaa war rasmi ah ay ku daabacday website-keeda iyo sidoo kale baraheeda bulshada ee Facebook iyo Twitter waxay ku shaacisay dhaawaca xiddiga reer Brazil ee Arthur Melo.

Kooxda reer Catalonia ayaa warkan ay soo saartay waxay ku xaqiijisay in Arthur Melo uu dhaawac canqowga ah soo gaaray intii lagu guda jiray tababarka ay kooxda isugu diyaarineysay kulanka ay ku wajahayaan Real Sociedad horyaalka La Liga.

Arthur Melo ayaa la xaqiijiyay inuu seegayo kulanka soo aadan ay kula ciyaari doonto Barcelona garoonkeeda Camp Nou kooxda Real Sociedad, kaasoo qeyb ka ah horyaalka La Liga.

Warkan rasmiga ah ay soo saartay Barca ma aysan ku cadeeynin faahfaahinta ku saabsan mudada uu Arthur Melo ka maqnaanayo garoomada, kaddib dhaawacan ka soo gaaray tababarka kooxda maanta oo Jimco ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close