Ighalo oo si adag ugu jawaab celiyay dadka ka shakisanaa awoodiisa kooxda Manchester United

(Manchester) 06 Mar 2020. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Odion Ighalo ayaa ku guuleystay inuu labo gool u dhaliyo kooxdiisa kulankii xalay Derby County ee koobka FA Cup.

Manchester United ayaa u gudubtay wareega siddeed dhamaadka tartanka FA Cup, kaddib markii ay Derby County kaga adkaatay 0-3 kulankii ka tirsanaa kulamada shanaad ee tartankan.

Haddaba Odion Ighalo ayaa ciyaarta kaddib wuxuu la hadlay warbaahinta wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guusha uu gaarsiiyay kooxdisa Man United wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay, waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo asxaabteyda”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ka hadlay dadka ka shakisanaa awoodiisa ciyaareed kaddib markii ay shaqaaleysiisay kooxda Manchester United.

“Ilaa iyo inta asxaabteyda kooxda ay i aamisan yihiin, iyo sidoo kale tababaraha, waa inaan sii wadaa horay u socoshadeyda, wax dan ah kama gelin haddalka qof kale”.

“Waan ogeeyn inaan dooneynay inaan guuleysano kulankan si aan ugu gudubno wareega xiga, isla markaana xilli ciyaareedka aan kaga dhameysano si fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close