Virgil van Dijk oo si adag kaga jawaabay eedeymaha loo soo jeediyay kooxda Liverpool

(Liverpool) 05 Mar 2020. Virgil van Dijk ayaa si adag uga jawaab celiyay dhaleeceyntii kooxeediisa Liverpool loo soo jeediyay dhawaanahan kaddib markii ay la kulmeen 3 guuldarro, 4-tii kulan ugu dambeysay ay ka ciyaareen tartamada Champions League, Premier League iyo FA Cup.

Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu dhawaan bixiyay daafaca reer Holland ee Virgil van Dijk wuxuuna yiri:

“Nolosha waxaa jira dad aan waligood qanacsanayn, marwalba waxay raadinayaan waxyaabo xun, taasina waa xaqiiqada jirta”.

“Inaad ku sii jirto niyad xumidan, ama waxaad si fudud diirada u saari kartaa waxyaabaha wanaagsan, runtiina waxaan diiradda saarayaa waxyaabaha wanaagsan”.

“Waxaan ku jirnaa xaalad aad u wanaagsan, waxaan u dhownahay wax walba oo aan rajeynayno inaan gaarno, kuna raaxeyso taas, aynu diiradda saarno horyaalka Ingiriiska, sababtoo ah waa horyaal aad u yar” ayuu sii raaciyay isagoo kaftamaya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close