RASMI: Kulanka Derby d’Italia ee kooxaha Juventus iyo Inter oo la go’aamiyay xilliga la ciyaari doono

(Turino) 05 Mar 2020. Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay taariikhda cusub ee Derby d’Italia, kaasoo ay wada ciyaarayaan kooxaha Juventus iyo Inter Milan.

Ciyaartan oo hirey u qorsheysneyd bilowga toddobaadkan, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka  “coronavirus” oo soo gaaray dalka Talyaaniga, kaasoo saameyn weyn ku yeeshay kulamo dhowr ah ee la ciyaari lahaa, waxaa hadda la soo saaray taariikhda cusub ee dib loo ciyaari doono.

Xiriirka kubadda cagta Talyaaniga ayaa go’aansaday inuu qabsoomo kulankan Axada soo socota oo ay taariikhda ku beegan tahay 8-da Maarso kaasoo ka dhici doono garoonka Allianz.

Ciyaartan ayaa la qaban doonaa iyada oo aysan ka soo qeyb gali doonin wax taageera ah, sida ku xusan sharciga dowladda Talyaaniga, iyadoo kulamadii dib loo dhigay oo dhan la ciyaari doono ilaa iyo 3-da April, iyadoo aysan ka soo qeyb gali doonin taageerayaasha Si loo yareeyo faafitaanka cudurka “coronavirus”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close