Gool FM oo guusheedii labaad xiriir ah ee tartanka warbaahinta gobolka Banaadir ka gaartay Idaacada Himilo

(Muqdisho) 05 Mar 2020. Gool FM ayaa guusheedii labaad xiriir ah ka gaartay tartanka warbaahinta gobolka Banaadir, kaddib markii ay ka adkaatay Idaacada Himilo.

Tartanka oo si xiiso leh uga soconaya xarunta degmada Howl-wadaag ayaa waxaa ka qeyb galaya dhowr xarumo warbaahineed ee ku yaala Muqdisho, waxaana galabta isku arkeen idaacadaha Gool FM iyo Idaacada Himilo.

Xiddigaha Gool FM ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta, waxaana hogaanka u dhiibay Shaafici Maxamuud Nuur “Shafinho oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Wiilasha Gool FM oo galabta soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah ayaa waxay goolasha ka heshay 2 gool oo Sabca ah, halka xiddigaha kala ah Shafinho, Qasaaro iyo Naani ay kala dhaliyeen mid hal gool.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 5-2 ay ku adkaatay Gool FM.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close