Booliska oo Ronaldinho iyo Walaakiis ka qabtay Hotel ku yaala Waddanka Paraguay kaddib markii lagu helay… + SAWIRRO

(Asunción) 05 Mar 2020. Halyeyga kubadda cagta Brazil ee Ronaldinho ayaa laga qabtay hotel uu ku sugnaa oo ku yaala Waddanka Paraguay, kaddib markii lagu helay isagoo sitay Baasabooro been abuur ah.

Sida lagu qoray inta badan Wargeysyada ciyaaraha ka faallooda xiddiga reer Brazil ayaa loo galay hotel uu degganaa, waxaana lagu qabtay dukumintiyo been ah oo uu waddankaasi si sharci darro ah ula soo galay, isagoo ka soo hor muuqan doona xeer ilaaliyeyaasha hortooda gelinka dambe ee maanta.

Sawirro ay warbaahintu ka soo bandhigtay ciyaaryahankii hore ee kooxda Barcelona ayaa muujinaya ciidamo iyo sirdoon ku hareereysan Ronaldinho, iyagoo markaas ciidanku ay gacanta ku hayaan labo Baasaboor, xilligaasoo Ronaldinho uu meel fadhiyo isagoo labada gacmood isi saartay oo yaaban.

 Ronaldinho, left, being quizzed by cops in his hotel over the suspect passports

Ronaldinho ayaa laga mamnuucay Hotel aad qaali u ah oo uu deggan yahay oo uu kaga noolaa caasimadda Paraguay ee Asuncion ilaa amar dambe.

Booliska ayaa Ronaldinho ka soo qabtay meel u dhow hotelka uu degganaa,  isagoo Markab dushiisa ku raaxaysanayey, waxaana markaas lagu wargeliyey in lagu helay inuu Waddanka la soo galay Baasabooro been abuur ah.

Magaca dhammaystiran ee ugu qoran Basaboorka Paraguay waa — Ronaldo de Assis Moreira — waxaana la siiyey 7 bishii Janaayo ee sanadkan, iyadoo uu ku xusan yahay inuu yahay Brazilian, laakiin waxaa sidoo kale ugu qoran inuu yahay nin la siiyey dhalashada Paraguay.

Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku haya ID card Paraguay ah oo uu watay Ronaldinho.

Ronaldinho walaalkiisa Roberto ayaa isagana sidoo kale lagu amray inuu horyimaado xeer ilaaliyeyaasha, markii isagana lagu helay inuu watay Baasaboor Paraguay oo been abuur ah kaasoo laga helay qolka uu ka deganaa Hotelka oo uu magaciisana xitaa ku qoran yahay Baasaboorkaasi.

 Cops swooped on the ex-Barcelona star's hotel

Ganacsade Brazilian ah oo lagu magacaabo Wilmondes Sousa oo 45-sano jir ah ayaa la fahamsan yahay inuu fududeynayey Baasaboorradaan been abuurka ah ee lagu helay raggaan reer Brazil, waana qofkii saddexaad oo kiiskaan kula jira Ronaldinho iyo Walaalkiis.

Booliska Paraguay ayaa Sawirrada Ronaldinho ku dhejiyey meelaha u dhow dhow halka uu deggan yahay, iyadoo haatan lagu sameynayo ciyaaryahankan baaritaan toos ah oo aad u qoto dheer.

Waxaa kale oo wararku sheegayaan in Ronaldinho uu Baasaboorradaas watay markii uu soo galayey shalay galab oo Arbaco ahayd Waddanka Paraguay.

Dukumintiyadaas ayaa lagu sameyn doonaa xaqiijin, waxaana Boolisku ay la wareegeen labo Baasaboor iyo hal kaar ID oo Waddankaasi Paraguay uu leeyahay iyo sidoo kale Teleefannada gacanta (mobile phones).

Ronaldinho iyo walaakiis ayaa Waddanka Paraguay waxaa ku casuumay Nelson Belotti oo ah ninka iska leh The Il Palazzo casino oo ah goob qammaarka lagu dheelo, halkaasna dinho iyo walaakiis waxaa loogu sameeyey soo dhoweyn ballaaran, iyagoo qorshohoodu ahaa inay kulamo samafal ah ka sameeyaan dalkaasi.

Warbixinta waxaa kale oo lagu sheegay in Ronaldinho iyo walaakiis aan la xirin oo jeelka loo dhaadhicin, isla markaana ay si xor ah u sii wadan doonaan hawlahooda iyo baashaalkooda, laakiin xaaladdooda kor lagala socon doono.

 Ronaldinho arrives in Paraguay

Bishii September ee la soo dhaafay ayaa wararku waxa ay sheegayaan in Ronaldinho iyo walaalkiis ay aqbaleen inay bixiyaan lacag ka badan 1 milyan oo gini si ay dib ugu soo ceshadaas baasabooradoodii Brazilian-ka ahaa ee asliga ahaa.

Ilaa bishii October ee la soo dhaafay ayaa la siiyey inay ku bixiyaan lagactaas halka milyan ah, balse illaa iyo haatan macadda inay bixiyeen lacagtaa iyo inkale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close