Kooxaha Chelsea vs Liverpool & Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaarayo tartanka FA Cup-ka

(Yurub) 03 Mar 2020. Kulamo ka tirsan tartanka faca weyn ee FA Cup-ka ayaa caawa lagu wadaa in la ciyaaro waxaa ugu kulul kan dhex mari doona kooxaha Chelsea iyo Liverpool.

Liverpool ayaa caawa Blues ku booqanaysa garoonka Stamford Bridge kulan ka trisan wareegga 5-aad ee FA Cup-ka, waxaana uu ku soo aadday Isbuuc macallin Klopp wiilashiisu ay guuldarro xanuun badan kala soo kulmeen Watford oo uga soo adkaatay 3-0, taasoo soo gabagabaysay rikoorkii guudarro la’aan xiriirka ahaa ee 44-kulan oo ay naalloonaysay Reds.

Dhinaca kale Chelsea oo marti loo yahay ayaan iyaguna natiijo wanaagsan soo helin kulankii ugu dambeeyey, waxaana ay xilli dambe barbaro ka soo heleen Bournemouth.

Haddaba labada kooxood oo niyad-jabsan ayaa isku qaban doona caawa galbeedka Magaalada London marka ay saacadda geeska Afrika tahay 10:45 Habeennimo, kooxdii adkaata ayaana iska xaadirin doonta siddeed dhammaadka tartankan.

Guud ahaan kulammada la ciyaarayo caawa ee FA Cup-ka & Saacadaha la baasan doono:-

10:45 Habeennimo Chelsea vs Liverpool

11:00 Habeennimo Reading vs Sheffield United

11:00 Habeennimo West Bromwich Albion vs Newcastle United

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close