Chelsea oo u gudubtay wareega siddeed dhamaadka ee koobka FA Cup kaddib markii ay garaacday kooxda Liverpool… +SAWIRRO

(London) 04 Mar 2020. Chelsea ayaa u gudubtay wareega siddeeda ee koobka FA Cup kaddib markii ay ku garaacday kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge 2-0,  kulankii wareega shanaad ee tartankan, waxayna u gudbeen wareega xiga ee siddeed dhamaadka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay ku hoggaamineysay ciyaarta kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 13-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Willian.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii Chelsea ayaa dhalisay goolkeeda labaad, waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigay laacibka reer England ee Ross Barkley.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay Chelsea kaga adkaatay kooxda martida u aheyd ee Liverpool, Blues ayaana sidaas ugu gudubtay wareega siddeeda ee koobka FA Cup.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close