Rio Ferdinand oo shaaca ka qaaday sirta ka dambeysa horumarka ay sameysay Man United dhawaantan

(Liverpool) 02 Mar 2020. Halyeeyga kooxda kubadda cagta Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa amaaney saxiixa cusub naadiga Red Devils ee Bruno Fernandes.

Rio Ferdinand ayaa tilmaamay in Bruno Fernandes uu yahay sababta ka dambeysa in Manchester United uu soo fiicnaado wax qabadkeeda xilliyadii lasoo dhaafay.

25 jirkan ayaa yimid safka kooxda Manchester United suuqa kala iibsiga bishii janaayo ee lasoo dhaafay, wuxuuna kaga soo biiray naadiga reer Portugal ee Sporting Lisbon qiimo dhan 55 milyan euro.

Tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Man United Bruno Fernandes ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican, wuxuu dhaliyay 3 gool, wuxuuna caawiyay 2 gool kale, 6 kulan uu ka soo muuqday Red Devils.

Haddaba Rio Ferdinand ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “Goal” wuxuu ku amaanay saxiixa cusub naadiga Red Devils ee Bruno Fernandes wuxuuna yiri:

Image result for rio ferdinand and Bruno Fernandes

“Bruno Fernandes wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan saameyn weyn ku leh kooxda, wuxuuna sidoo kale saameyn ku yeelan doonaa waxyaabo kale”.

“Wuxuu yimid Manchester United, waxaana arkaa in xiddigo badan uu soo fiicnaaday qaab ciyaareedkooda”.

“Tusaale ahaan Juan Mata waxbadan ayuu horumar sameeyay tan iyo markii uu yimid Bruno Fernandes”.

“Bruno Fernandes wuxuu ciyaaraa kubadaha kooxeed, iyo ka warqabka goobaha iyo ciyaartoyda ku xeeran, waana wax aan caadi aheyn”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close