Lucas Vazquez oo uu mid gaar ah u ahaa kulankii xalay ee El Clasico… (Imise gool ayuu guud ahaan u dhaliyey Los Blancos)

(Madrid) 02 Mar 2020. Lucas Vazquez waxaa uu ahaa mid gaar ah kulankii kooxdiisa Real Madrid ay xalay guusha ka qaadatay dhiggeeda Barcelona.

Kulankii El Clasico ee xalay ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu ayaa waxaa 2-0 ku adkaatay Real Madrid, waxaana labadaas gool qeybtii labaad u ansixiyey Vinicius Junior iyo Mariano Diaz.

Haddaba kulankaas waxaa bedel ku soo galay 86’daqiiqo Lucas Vazquez oo lagu bedelay Federico Valverde, taasoo ka dhigan in kulankan uu ahaa kulankiisii 200-aad ee uu u safto Real Madrid.

Guud ahaan 200 oo kulan ayuu buuxiyey xalay Vazquez inuu u saftay Los Blancos kulankaasi ay guusha ka heleen Barcelona, waxaana uu wadar ahaan u dhaliyey kooxda ka dhisan caasimadda Spain 24 gool.

Vazquez ayaa guul la gaaray kulamadaas 200 ah 137 ka mid ah, waxaana uu kooxdan kula guuleystay 11 koob oo kala duwan, iyadoo koobabkaas ay kala yihiin; horyaalka La Liga, Champions League, Supercopa de España, UEFA Super Cup iyo koobka Kooxaha Adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close