Lionel Messi oo aan gool ka dhalin kulanka El Clasico tan iyo markii uu Real Madrid ka tagay Cristiano Ronaldo

(Madrid) 02 Mar 2020. Waxaa muuqanaysa in Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu u xiisay Cristiano Ronaldo, maxaa yeelay xiddiga reer Argentina gool kama dhalin kulanka El Clasico tan iyo markii uu Real Madrid ka tagay Ronaldo sanadkii 2018.

Lionel Messi ayaa markale ku guuldarreystay inuu gool ka dhaliyo kulanka El Clasico ciyaartii xalay ay khasaaraha kala kulmeen Real Madrid.

Sidoo kalena Messi ayaan gacan ka geysan wax gool ah saddexdiisii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga ku wajahay Real Madrid.

Tiro koobyada ayaa muujinaya in Lionel Messi uusan wax gool ah ka dhalin El Clasico tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo ka tagay Real Madrid xagaagii 2018.

Kabanka Barcelona ayaa dhaawac ku seegay kulankii ugu horreeyey El Clasico xilli ciyaareedkii 2018/19, xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Rakitic ayaana dhaliyey goolka qura oo ay ku adkaadeen lugtii labaad.

Xilli ciyaareedkan kulanka El Clasico ee horyaalka ayaa lugtii hore ku dhammaaday barbaro goolal la’aan ah, halka lugtii labaad ee xalay ay Catalan guuldarro 2-0 kala soo kulantay Real Madrid oo ay marti u ahaayeen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close