Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta lagu wado inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow

(Muqdisho) 02 Mar 2020. Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa lagu wada inuu galabta ka dhaco garoonka Eng Yariisow, kaasoo dhaxmari doonta kooxaha Dekedda iyo Midnimo.

Labadaan kooxood ayaa daaha ka rogi doona galabta wajiga labaad ee horyaalka Somali Premier League ee fasal ciyaareedkan 2019-20.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan maadaama labada kooxood ay diyaar-garow xooggan u soo galeen ciyaartaan weyn.

Kooxda Dekedda ayaa hoggaanka horyaalka heyso iyadoo leh 20-dhibcood halka Naadiga Midnimo ay ku jirto booska 7-aad ee kala sarreynta horyaalka, iyadoo leh 9-dhibcood.

Kulankii ugu dambeeyay ay labadan kooxood isku arkaan wajiga hore ee horyaalka waxay ku kala baxeen barbaro 1-1, taas oo ka dhigan in kulanka galabta uu yahay mid xiiso leh oo labada dhinacba ay doonayaan inay guul gaaraan.

Wiilasha Dekedda ayaa sanadkan dooonaya inay markii afaraad ay gacanta ku dhigaan horyaalka Somali Premier League, balse sanadkan waa mid ay dagaal adag kala kulmayaan kooxaha kala ah; Horseed, Elman iyo Mogadishu City Club kuwaas oo hami weyn ka leh hanashada horyaalka Somali Premier League.

Ciyaaryahan Idiris Aamiin ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa Dekedda kaddib dhaawac uu ugu maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ay dheesho.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Dekedda vs Midnimo

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

W/D: Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close