Klopp oo wareysi lama filaan ah uu bixiyay kaga yaabiyay taageerayaasha Liverpool kahor kulanka Chelsea

(Liverpool) 02 Mar 2020. Jürgen Klopp ayaa wareysi lama filaan ah uu bixiyay ka yaabiyay jamaahiirta kooxda kubadda cagta Liverpool, kahor kulanka ay habeen dambe ku booqan doonaan Chelsea garoonka Stamford Bridge.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa sheegay in Chelsea ay guul gaari doonto kulanka ay habeen dambe ku wada ciyaari doonaan koobka FA Cup.

Jürgen Klopp ayaa wareysi uu ku bixiyay warbaahinta wuxuu kaga hadlay kulanka habeen dambe ay booqan doonaan kooxda reer London ee Chelsea wuxuuna yiri:

“Ma jiro musharax guuleysta kulankan, hadii uu jiro musharax guul gaari karana markaas waa Chelsea ee ma ahan Liverpool, sababtoo ah waxaan ku ciyaarentaa garoonkoodoo iyo taageerayaashooda hortooda”.

“Waxaan kahor imaan doonaa koox leh qibrad weyn, Willian, Olivier Giroud iyo Pedro Rodriguez, maxay koox labaad oo aad u fiican tahay” ayuu yiri macalin Jürgen Klopp.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close