Real Madrid oo dib ugu soo laabatay hoggaanka La Liga, kaddib markii ay El Clásico ku garaacday kooxda Barcelona… +SAWIRRO

(Madrid) 02 Mar 2020. Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaaminta horyaalka La Liga kaddib markii ay guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Barcelona 2-0, kulankii El Clásico oo qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore kulanka la wada sugayay ee El Clásico ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior, waxaana goolkan ka caawiyay Toni Kroos.

Daqiiqadii 90-aad Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad waxaana 2-0 ka dhigay Mariano Diaz.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda kubadda cagta Barcelona oo marti ugu aheyd garoonka Santiago Bernabéu.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close