Maxay ka yiraahdeen xiddigaha Liverpool guuldarradii xalay ka soo gaartay Kooxda Watford?

(Liverpool) 01 Mar 2020. Daafaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay guuldarrada ka soo gaartay naadiga Watford, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 28-aad ee horyaalka Premier League.

Guuldarradan ayaa ah tii ugu horreysay horyaalka Premier League ee soo gaartay kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay guul gaareen 26 kulan iyo hal kulan ay bar-bardhac galeen.

Haddaba ciyaarta kaddib ayuu daafaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Virgil van Dijk u sheegay warbaahinta:

“Wixii ka dhacay kulankan ma’ahan wax la aqbali karo, waxaana dooneynaa in jawaab deg-deg ah aan ka bixino”.

“Waa guuldarro xanuun badan, mana xiiseeneyno tirakoobyada iyo rikoorrada, tani idinka ayaan idin dhaafnay (saxaafadda), kaliya waa inaan jawaab deg-deg ah bixinaa sida ugu macquulsan”.

“Ma ahayn inaan sidan u guuldarreyano, waxaan doonaynaa inaan sida ugu dhakhsaha badan jawaab kaga bixino, taasina waa waxa aan sameyn doonno, waa inaan sii wadnaa ciyaarista oo aan sii wadnaa dagaalka” ayuu yiri Virgil van Dijk.

Dhinaca kale Andrew Robertson ayaa isna u sheegay warbaahinta kaddib guuldarradii xalay ka soo gaartay kooxda Watford wuxuuna yiri:

Image result for andrew robertson

“Waxaan raaligalin ka bixineynaa qaab ciyaareedkan iyo natiijadan, waa inaan xaqiijinno inay tahay wax yar oo dib u dhac ah”.

“Watford waxay diyaar aheyd tan iyo bilowgii, waxaana isku daynay inaan la kulanno, laakiin qaab ciyaareedkeena uma uusan nooleeyn sidii laga filaayay, waxaana ka bixineynaa raaligalin kulankan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close