Man City oo ku guuleysatay koobka Carabao Cup kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Aston Villa… +SAWIRRO

(London) 01 Mar 2020. Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka Carabao Cup kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Aston Villa 1-2, kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka caalamiga ah ee Wembley

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Man City.

Daqiiqadii 20-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Sergio Aguero, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Phil Foden.

Daqiiqadii 30-aad Manchester City ayaa la dhalisay gool labaad waxaana 0-2 ka dhigay Rodri, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Ilkay Guendogan.

41 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Aston Villa ayaa dhalisay gool waxaana 1-2 ciyaarta ka dhigay Mbwana Samatta, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Anwar El-Ghazi.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Aston Villa, Skay Blues ayaana sidaas ugu guuleysatay koobka Carabao Cup.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close