Gool FM oo guul ku furatay tartanka warbaahinta gobolka Banaadir… +SAWIRRO

(Muqdisho) 01 Mar 2020. Gool FM ayaa guul soo laabasho ah oo ay ka gaartay Universal TV ku furutay tartanka warbaahinta gobolka Banaadir.

Tartanka oo si xiiso leh uga soconaya xarunta degmada Howl-wadaag ayaa waxaa ka qeyb galaya dhowr xarumo warbaahineed ee ku yaala Muqdisho, waxaana galabta isku arkeen Gool FM iyo Universal TV.

Xiddigaha Universal TV ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta, waxaana gool rigoore ah u dhaah furay Cabaas Cabdi Xaashi, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Wiilasha Gool FM ayaa hurdada ka toosay waxayna ciyaarta u rogeen dhanka kale iyadoo saddex ka mid ah goolashaas uu u dhaliyay Sabca, halka 2 gool kale uu raacsaday kabtanka kooxda Shaafici Maxamuud Nuur “Shafinho”.

Dhinaca Universal TV waxay goolasha ka kala heleen 2 gool oo ah Cabaas Cabdi Xaashi, iyo gool uu dhaliyay Khaalid Maki Xaaji Banaadir, iyo mid ay iska dhaliyeen xiddigaha Gool FM.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 5-4 ay ku adkaatay Gool FM.

Gool FM ayaa waxay Group-ka B kula jirtaa Universal TV, Dalsan TV Iyo Idaacada Himilo.

SAWIRRO:

Image may contain: 11 people, including ShaaFici Mohamud ShaaFinho, Nimco Abdullahi Magan and Abdulkadir Dajiye, shoes

Image may contain: 5 people, including ShaaFici Mohamud ShaaFinho and Abdulkadir Dajiye, people smiling, people sitting

Image may contain: 3 people, including Abdirahin Mohamed Kismaayo, people sitting and text

Image may contain: 5 people, including Haaruun Yuusuf Khasaaro, ShaaFici Mohamud ShaaFinho and Abdulkadir Dajiye, people smiling, people sitting

Image may contain: 14 people, people sitting

Image may contain: 10 people, people smiling, people sitting and text

Image may contain: 5 people, including ShaaFici Mohamud ShaaFinho and Abdulkadir Dajiye, people smiling, people standing and shoes

Image may contain: 4 people, including Amina Dahir Si'ad, people smiling, people standing

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close