Dani Carvajal oo daaha ka qaaday farqiga u dhexeeya Messi iyo Ronaldo, kahor kulanka caawa ee El Clásico

(Madrid) 01 Mar 2020. Daafaca kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa daaha ka qaaday farqiga u dhexeeya Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Indhaha mucaashiqiinta kubadda cagta adduunka ayaa waxay caawa ku sii jeedaan garoonka Santiago Bernabéu, si ay u daawadaan kulanka El Clásico ay wada ciyaari doonaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, kaasoo ka tirsan kulmada 26-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Haddaba Dani Carvajal ayaa wareysi uu ku bixiyay barnaamijka “El Chiringuito” ee dalka Spain wuxuu shaaca kaga qaaday:

Image result for Carvajal interview

“Lionel Messi wuxuu soo saaraa kubaddo ka badan Cristiano Ronaldo, xiddiga reer Argantina wuxuu leeyahay aragti fiican uu ku baasi karo, kubaddana lugihiisa ayey ku dhagan tahay mar walba, wuxuu helaa meelaha bannaan keligiis”.

“Marka laga hadlayo Cristiano Ronaldo, wuxuu diirrada saaraa inuu horumar ka sameeyo xerada ganaaxa si uu goolal u dhaliyo, runtii waa bahal”.

“Waa labo xiddig kala duwan, laakiin labadooda aad ayey u fiican yihiin, waxaana u maleynayaa in isbar-bardhigga u dhexeeya uu yahay mid aad adag” ayuu yiri Dani Carvajal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close