Rikoodhkii guuldarro la’aanta ee Liverpool oo caawa lasoo afjaray, kaddib guuldarro ka soo gaartay kooxda Watford… +SAWIRRO

(England) 29 Feb 2020. Rikoodhkii guuldarro la’aanta ahaa ee Liverpool ayaa caawa lasoo afjaray, kaddib markii ay guuldarro 3-0 ah kala soo kulantay kooxda Watford oo ay ku booqatay garoonka Vicarage Road, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 54-aad kooxda Watford ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay ciyaarta Ismaila Sarr, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Abdoulaye Doucoure.
Daqiiqadii 60-aad kooxda Watford ayaa dhalisay gool labaad, waxaana dheesha 2-0 ka dhigay markale Ismaila Sarr, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Troy Deeney.
Sheeko waxay ku xumaatay taageerayaasha kooxda Liverpool daqiiqadii 72-aad kaddib markii ay Watford dhalisay goolkeeda saddexaad, waxaana ciyaarta 3-0 ka dhigay Troy Deeney, iyadoo uu goolkan caawiyay Ismaila Sarr.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-0 ay kaga adkaatay Watford kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka Vicarage Road, taasoo ka dhigan in Reds ay la kulantay guuldarradeedii ugu horreysay horyaalka ee xilli ciyaareedkan
SAWIRRO:
Gool FM.